Erling Haaland oo magacaabay toddobo weeraryahan oo ka wanaagsan isaga… (Mbappe iyo Messi oo ka maqan & Werner oo ku jira)

(Dortmund) 27 Sebt 2021. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa carrabka ku dhuftay toddobo weeraryahan oo uu aaminsan yahay inay isaga ka wanaagsan yihiin xilligan, waxaana uu ka reebay xiddiga naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Gool dhaliyaha reer Norway ayaa aaminsan in xiddigaha kala ah Robert Lewandowski, Cristiano Ronaldo, Pierre Emerick-Aubameyang, Timo Werner, Sergio Aguero, Roberto Firmino iyo Harry Kane ay yihiin xiddigo ka wanaagsan isaga xilligan la joogo isagoo aanan tirada ku darin laacibiinta PSG ee Lionel Messi, Neymar Jr iyo Mbappe.

Ciyaartoyda kale ee uu sida layaabka leh uga tagay waxaaa ka mid ah Luis Suarez, Romelu Lukaku iyo Karim Benzema kuwaasoo la fahansan yahay inay ka wanaagsan yihiin Aubameyang, Werner iyo Firmino.

Si kastaba ha ahaatee, Haaland ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan dunida kubadda cagta isagoo bandhig heer sare ah ka sameynaya horyaalka Bundesliga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close