Horudhac: Barcelona vs Levante… (Bluagrana oo dooneysa inay waddada guulaha kusoo laabato & Rikoorka ay ka heysato kooxda martida u ah)

(Barcelona) 26 Sebt 2021. Naadiga guulaha ka oomman ee Barcelona ayaa galabta kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka La Liga la balansan kooxda Levante taasoo kasii qaab liidata Barca marka loo fiiriyo qaabka ay ku billaabatay horyaalka Spain xilli ciyaareedkan.

Blaugrana ayaa sagaal dhibcood heshay kaddib shan kulan oo ay ciyaartay fasalkan iyadoo ku jirta kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, waxayna wajaheysaa Levante oo shaqeysatay kaliya afar dhibcood lixda kulan ee ay ciyaartay.

Kooxda Macallin Ronald Koeman ayaa haatan dooneysa inay kusoo laabato waddada guulaha iyadoo barbarro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka halka ay guuldarro la kulantay ciyaartii furitaanka Champions League oo ay la dheeshay Bayern Munich kahor labadii barbarro ee is xigay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:15 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Isidro Diaz de Mera (Spain)

Wararka Kooxaha:

Naadiga Barcelona ayaa la tacaaleysa dhibaatooyin dhaawacyo iyo ganaaxyo isugu jira, waxaana kulankan ganaax ku seegaya Macallin Ronald Koeman iyo xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Frenkie de Jong, halka ay dhaawacyo kala duwan ku maqnaanayaan Pedri, Jordi Alba, Alejandro Balde, Moussa Wague, Ousmane Dembele, Sergio Aguero, iyo Martin Braithwaite.

Balse akhbaarta wanaagsan ee ay helayaan taageerayaasha Barca ayaa ah inuu safka ciyaartan ku jiro Ansu Fati oo muddo sanad ku dhow dhaawac kaga maqnaa garoommada inkastoo la filayo inuu kursiga keydka kusoo bilawdo.

Si la mid ah Barca, Levante ayaa iyaduna la tacaaleysa dhaawacyo inkastoo ay ka roon tahay xaaladdooda tan dhiggooda, waxaana dhaawacyo kaga maqnaan doona Dani Cardenas, Jose Campana, Enis Bardhi iyo Roberto Soldado.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Levante oo Barcelona garaacday labo jeer tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii 2017-18 ayaa ka mid ah afar naadi oo Barca ku garaacay La Liga wax ka badan hal mar muddadaan, waxaana sidoo kale Barcelona edbiyay in ka badan halmar kooxaha Real Madrid (3), Celta Vigo (2) iyo Granada (2).

Barcelona ayaa gool ka dhalisay Levante dhammaan 30-kii jeer ay isku arkeen horyaalka La Liga, waana kooxda kaliya ee ay ka heysato rikoor gool dhalineed oo ah 100%.

Barca ayaa ka adkaatay Levante dhammaan 15-ka kulan ee La Liga oo ay garoonkeeda kula ciyaartay, waxaana celceliska goolasha ay ka dhalisay kulankiiba uu ahaa 3.3.

Levante ayaa kala kulantay Barcelona guuldarradeedii ugu cusleyd ee kasoo gaarta La Liga iyadoo 7-0 lagu xasuuqay ciyaar ka dhacday Camp Nou bishii August ee 2013.

Barcelona ayaa siddeed gool dhalisay kaddib shanteeda kulan ee ugu horreysay La Liga xilli ciyaareedkan, waana tiradii ugu yareyd tan iyo fasalkii 2003-04 markaas oo ay dhalisay kaliya shan gool.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Barcelona:

Levante:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close