Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Levante… +SAWIRRO

(Barcelona) 26 Sebt 2021. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Levante, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Barcelona ayaa loo dhigay waxaana gool u badelay laacibkooda M. Depay, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

14 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay L. d. Jong oo caawin ka helay saaxiibkiis S. Dest, ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 + 1 Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay laacibkooda lambarka 10-aad ee A. Fati.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0, oo ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Levante oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, Blugarana ayaa saddexdan dhibc ay qaadatay waxay ka dhigtay inay kaalinta shanaad ka soo fariisato kala sareynta horyaalka La Liga ee dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close