Arsenal oo Cashar u dhigtay kooxda Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Emirates… +SAWIRRO

(London) 26 Sebt 2021. Arsenal ayaa Cashar u dhigtay kooxda Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 12-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Smith-Rowe, kaddib markii ay caawin ay kaga timid B. Saka.

28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Aubameyang oo caawin ka helay saaxiibkiis Smith-Rowe ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 34-aad Gunners ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Bukayo Saka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Tottenham Hotspur ayaa dhalisay gool waxaana 3-1 ka dhigay Son Heung-min oo caawin ka helay saaxiibkiis Sergio Reguilón.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 oo ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu ahayd garoonka Emirates, Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close