Kooxda Real Madrid oo daafac dhexe ka arkootay horyaalka Premier League

(Madrid) 25 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay daafac dhexe ka arkootay horyaalka Premier League.

Real Madrid ayaa arkootay daafaca dhexe ee Leicester City, Caglar Soyuncu, waxaana Los Blacos ay indhaha ku haystaa inay iska adkeyso daafaceeda sida lagu daabacay DefensaCentral.

Daafaca dhexe ee reer Turki ayaa bandhig il qabad leh ku sameeyey kooxda Leicester City, waxaana uu haatan soo galay liiska xiddigaha laga doonayo garoonka Santiago Bernabeu.

Caglar Soyuncu Digadang gadang Sebagai Calon Penerus Ramos Di Real Madrid  |Balipuspanews.com

Real Madrid ayaa rajaynaysa inay xoojiso qeybta dambe ee daafaca, iyadoo laga dhaliyay goolal ka badan, waxaana ay ka mid tahay kooxaha goolasha ugu badan laga dhaliyey horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan illaa iyo haatan, inkastoo ay hoggaanka u hayaan horyaalka haatan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close