Kooxda Manchester City oo isku diyaarinaysa inay bisha Janaayo Real Madrid ku garaacdo saxiixa Kylian Mbappe

(Manchester) 25 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo saxiixa Kylian Mbappe, iyadoo Citizens ay indhaha ku hayso inay sanadka 2022 Real Madrid ku garaacdo saxiixa Weeraryahanka Paris Saint-Germain.

Real Madrid ayaa isku dayday saxiixa xiddiga xulka qaranka Faransiiska marxaladihii ugu dambeeyey ee suuqii xagaaga, laakiin ma aysan ku qancin karin PSG inay iibiso, inkastoo xaqiiqdu ay tahay in heshiiska ku guuleystaha Koobka Adduunka uu ku eg yahay bisha June ee soo aaddan.

Los Blancos ayaa weli loo malaynayaa inay ugu cad-cad dahay saxiixa 22-sano jirka, laakiin sida ay warinayaan Suxufiyiinta Ian McGarry iyo Duncan Castles oo dhanka suuqa ka hadla milkiilaha Man City ee Sheikh Mansour ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo Weeraryahanka qiimo kasta oo ku baxaya.

Kooxda Muwaadiniinta lagu naynaaso ayaa la sheegay inay bisha Janaayo u diyaar-garoobayaan soo xero-gelinta xiddiga reer France, iyagoo rajeynaya inay ku qancin doonaan PSG inay kala tagaan xiddigan ka hor dhammaadka fasal ciayareedka 2021-22.

Mbappe oo xor u noqon doona inuu wadahadallo qandaraas kordhin ah la galo Man City bisha Janaayo haddii uusan heshiis cusub u saxiixin Paris, wuxuuna dhaliyay afar gool, iyadoo loo diiwaangeliyay afar caawin siddeed kulan oo heer kooxeed ah oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Manchester United iyo Liverpool ayaa sidoo kale hore loola xiriirinayay da’yarkii hore ee Kooxda Monaco, kaasoo kooxdiisa u dhaliyay 136 gool 179 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close