Kooxaha Real Madrid iyo Villarreal oo barbaro ku kala baxay… +SAWIRO

(Madrid) 25 Sebt 2021 Kooxaha Real Madrid iyo Villarreal ayaa barbaro 0-0 ah ku kala baxay, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood ee Real Madrid iyo Villarreal ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 0-0 ah, oo ay ku kala baxeen labada kooxood Real Madrid iyo Villarreal, Los Blancos ayaa wali hoggaamineysa dhanka kala sareynta horyaalka Spain, iyaga oo leh 17 dhibcood, waxayna saddex dhibcood ka sarreysaa naadiga booska labaad ku jirta ee Sevilla.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close