Sidee ayuu Koeman uga hadlay barbarihii niyadjabka lahaa ee Barcelona ay la gashay kooxda Cadiz?

(Spain) 24 Sebt 2021. Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay barbarihii goolal la’aanta ahaa oo ay kooxdiisa xalay la gashay naadiga Cadiz, kulankii horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa hal dhibic kala soo laabtay Garoonka Nuevo Mirandilla oo ay booqatay, kaddib markii ay labada kooxood Cadiz iyo Barca ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta toddobaad ee kala sarreynta horyaalka Spain iyadoo leh 9 dhibcood, kaddib markii ay badisay labo kulan, sidoo kale barbaro ay gashay seddex kulan.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ronald Koeman, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u malaynayaa in guud ahaan kooxdu ay fiicnayd, haysashada kubadda annagaa ka fiicneyn, laakiin way nagu adkayd inaan abuurno fursado,”

Ronald Koeman oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu raaciyay: “Haddii aadan goolal dhalinin ma guulaysanaysid.”

“Qeybtii labaad, waan ka fiicneyn sababa la xiriira daalka kooxda naga soo horjeeday, waxaan helnay fursado, laakiin kama faa’ideysan.”

“Cayrintii De Jong ayaa xaallada nagu adkeeysay.”

“Waxaan u baahanahay inaan badino, kooxdana waxay u qalantaa inay badiso, laakiin taasi ma aysan dhicin maanta, waxaana rajeynayaa inay dhici doonto Axadda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close