“Isma dhiibi doono, waxaana u baahanahay taageeridiina” – Piqué oo fariin u diray taageerayaasha Barcelona

(Barcelona) 24 Sebt 2021. Daafaca Barcelona ee Gerard Piqué ayaa xaqiijiyay in kooxda aysan isdhiibi doonin, inkastoo ay daciifnimo kaga bilaabatay horyaalka Spain xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa hal dhibic kala soo laabtay Garoonka Nuevo Mirandilla oo ay booqatay, kaddib markii ay labada kooxood Cadiz iyo Barca ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Daafaca Barcelona ee Gerard Piqué ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda Barcelona, sida uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, wuxuuna yiri:

“Waxaan maanta u nimid inaan badino, qeybtii hore waxaan abuurnay fursado yar, laakiin qeybtii dambe waan ka fiicneyn, cayrintii Frenkie de Jong ayaa wax walba beddeshay.”

“Waan tartami doonnaa ilaa dhammaadka, qofna uma ogolaaneyno inay su’aal galiso arintan, waxaan u baahanahay taageerayaasha, xitaa haddii aan xilli ciyaareedka ku bilaabanay si xun.”

“Uma xirto maaliyadda Barcelona si aan xilli ciyaareedka ugu dhammeysto kaalinta labaad ama saddexaad, waxaan u xirtaa si aan ugu tartamo koobab.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close