Liverpool oo sanado ku dib kusoo laabatay xiisaha iyo doonista xiddiga Real Madrid ee…

(Liverpool) 23 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inuu raadinayo xiddig garabka ka ciyaara inuu kusoo daro safkiisa kaddib bixitaankii Xherdan Shaqiri oo suuqii xagaagan ku biiray naadiga Lyon ee dalka Faransiiska.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya inay Reds wali daneyneyso saxiixa xiddiga Real Madrid ee Marco Asensio kaasoo dhowr sano bartilmaameed u ah Macallin Klopp si uu keyd uga dhigo xiddigahiisa joogtada garbaha uga ciyaara ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Wargeyska Fichajes ee kasoo baxa Spain ayaa sheegay in Asensio uusan ku faraxsaneyn daqiiqado yarida ku heysata kooxdiisa tan iyo soo laabashadii Macallin Carlo Ancelotti inkastoo qudhiisa uusan sameyn bandhig heer sare tan iyo markii uu dhaawac daran kasoo gaaray jilibka sanadkii 2019.

What to Expect From Marco Asensio in a Midfield Role - Managing Madrid

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska oo sheegay inuu 25-jirka reer Spain doonayo ka tagista garoonka Bernabeu uu bartilmaameed u yahay Liverpool, AC Milan iyo Juventus inkastoo Anfield uu yahay bardhammaadka xiga ee inta badan lala xiriirinayo Asensio.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close