Kooxda Real Madrid oo markaan diiradda saaratay daafac ka tirsan Liverpool… (Waa kee?)

(Madrid) 23 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay markaan diiradda saaratay daafac ka tirsan naadiga Liverpool.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Kooxda Los Blancos ay doonayso inay Reds kala soo wareegto daafaca dadabka midig ee Trent Alexander-Arnold.

Daafaca Kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa ah ciyaaryahan diiradda u saaran Naadiga Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain sida laga soo xigtay El Nacional.

Los Blancos ayaa diyaar u ah inay soo qaadato daafac midig oo cusub inta lagu jiro suuqa xagaaga ee 2022, iyadoo ay dhici karto inay weerar ku qaaddo garoonka Anfield si loo hirgeliyo qorshahaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close