Kooxda Barcelona oo hal dhibic kala soo laabatay Garoonka Nuevo Mirandilla oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Spain) 23 Sebt 2021. Kooxda Barcelona ayaa hal dhibic kala soo laabatay Garoonka Nuevo Mirandilla oo ay booqatay, kaddib markii ay labada kooxood Cadiz iyo Barca ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Cadiz iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa noqotay 10 xiddig oo kaliya maadaama uu F. d. Jong qaatay kaarka roosaha, kaddib markii uu taako u kacay mid ka mid ah xiddigaha naadiga Cadiz.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Cadiz iyo Barcelona oo ciyaar aad u xiiso badan ay ku dhax martay garoonka Estadio Nuevo Mirandilla Venue, Blaugrana ayaa haatan kaga jirta booska 7-aad miiska kala sarreynta horyaalka La Liga ee dalka Spain.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close