Halyey Carles Puyol oo farriin u diray Barcelona kaddib xilliga adag ay ku jirto kooxdiisii hore

(Barcelona) 23 Sebt 2021. Kabtankii hore ee Barcelona, Carles Puyol ayaa farriin u diray maamulka iyo taageerayaasha kooxda Barcelona kaddib xilliga adag ee ay qaadaneyso naadigii usoo ciyaaray guud ahaan xirfaddiisa ciyaaryahannimo.

Difaacii hore ee Barca ayaa sheegay inay midnimada udub dhexaad u tahay horumarka kooxda sidoo kale ay tahay in la is taageero xilligan oo kale iyadoo ay aad u kala qaybsan yihiin madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta iyo Macallin Ronald Koeman.

“Wakhtiyo sahlan ma’ahan, balse haddii aan midowno oo aan is taageerno, kooxdu waa ay u fududaaneysaa inay hore u socoto, hore u soco Barcelona, haatan iyo marwalba” ayuu bartiisa Instagram kusoo qoray Puyol isagoo soo raaciyay sawir uu xiran yahay maaliyadda Barcelona ee xilli ciyaareedkan.

Halyeyga Barcelona iyo xulka qaranka Spain ayaa kabtan u ahaa kooxdiisii hore inta ugu badan waayaheedii ugu quruxda badnaa, waxaana uu haatan dareen taageerinnimo la qaybsanayaa Blaugrana oo maalmo adag dhex maquurraneysa.

Puyol: Barcelona 'revolutionised football' under Guardiola | UEFA Champions  League | UEFA.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close