FIFA oo toddobaadka soo socda qabaneysa dooddii ugu balaarneyd ee ku aaddan in Koobka Adduunka jadwalkiisa wax laga baddelo… (Miyey xirirrada kale taageersan yihiin in Koobka Adduunka la qabto labadii sano hal mar?)

(Zurich) 20 Sebt 2021. Xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa dood internetka ah u qaban doona toddobaadka dambe dhammaan xiriirrada kubadda cagta ee dunida daafaheeda si ay ugu doodaan isbaddelka jadwalka ciyaaraha qarammada ee ragga iyo dumarka kaasoo uu ku jiro in Koobka Adduunka la qabto mar labadii sano.

Ha’yadda maamusha kubadda cagta dunida ayaa u ole’oleyneysa in lasoo yareeyo dhacdooyinka waaweyn ee kubadda cagta dhanka ragga iyo dumarkaba kuwaasoo afartii sano hal mar la helo haatanse waxay dooneysaa FIFA inay labo sano ay kusoo koobto firaaqa u dhexeeya dhacdooyinka Koobka Adduunka.

Doodaha xiriirrada dunida daafaheeda ayaa la qaban doonaa 30-ka Bishan September, waxayna madaxda FIFA ugu yeereen dooddan waji cusub oo la xiriira talo-wadaagga maadaama ay xiriirrada dunida oo dhan ay ka doodayaan xilliyada qarammada la ciyaarayo kulammadooda, xilliyada nasashada iyo waxyaabaha la hal maala.

Aleksander Ceferin, oo ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa walaac balaaran ka muujiyay qorshaha FIFA isagoo tilmaamay inuu qorshahaas caqabad ku yahay jadwalka ciyaaraha ee tartammada hoos taga xiriirkiisa ee dhan naadi iyo qaranba iyo dhan rag iyo dumarba, waxaana xubnaha ugu firfircoon xiriirka UEFA ay soo jeediyeen inay dooddooda xilli hore u gudbiyaan FIFA.

Si la mid ah, xiriirka kubadda cagta qaaradda Koonfurta Ameerika ee CONMEBOL ayaa isaguna kasoo horjeestay qorshaha FIFA ee ah in wax laga baddelo jadwalka sanadlaha ah ee tartammada kubadda cagta, sidoo kale, xiriirrada dalalka qaaradda Yurub ayaa badankood kasoo horjeestay FIFA sida xiriirrada kubadda cagta ee dalalka Ingiriiska, Taliyaaniga iyo Spain.

Doodda 30-ka September ayaa ku timid casuumaad uu xiriirka FIFA u diray horraantii Bishan saamileydeeda oo ay ku jiraan dhammaan xiriirrada dalalka iyo qaaradaha, uruurka ay ku mideysan yihiin kooxaha Yurub ee European Club Association, ururka World Leagues Forum ururka ay ku mideysan yihiin xirfadleyda kubadda cagta dunida oo dhan ee FIFPRO, waxaana loo arkaa dood dhaxal gal noqon karta oo ballaaran.

Si kastaba ha ahaatee, codeyn uu internetka ku sameeyay xiriirka FIFA ayuu ku helay in bahda taageerayaasha ay door bidayaan in labadii sano hal mar la qabto Koobka Adduunka inkastoo ay ku cabbireyso dadka da’dooda iyo heerkooda xeel-dheerennimo.

Madaxweynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inay xubnaha doodaya taageeraan in wax laga baddelo jadwalka sanadlaha ah ee tartammada kubadda cagta kahor inta uusan dhammaan sanadkan 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close