Horudhac: Valencia vs Real Madrid… (Dagaalka hoggaanka La Liga oo caawa ka dhici doona Mestalla)

(Valencia) 19 Sebt 2021. Kooxaha kubadda cagta Valencia iyo Real Madrid ayaa ku hardami doona kulan ka tirsan kulammada toddobaadka shanaad ee horyaalka La Liga iyadoo labada naadi ay ku hardamayaan hoggaanka horyaalka dalka Spain.

Labada naadi ayaa min saddex guul iyo hal barbarro helay min afartii kulan ee ay ka ciyaareen La Liga xilli ciyaareedkan taasoo ka dhigan inay haatan min 10 dhibcood leeyihiin.

Naadigii guul gaaray ayaa hoggaanka kala wareegi doona Atletico Madrid oo haatan 11 dhibcood la fadhisa booska koowaad balse ciyaartay shan kulan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Mestalla

Garsooraha: Pablo Gonzalez (Spain)

Wararka Kooxaha:

Macallinka hoggaamiya naadiga Valencia ee Jose Bordalas ayaa ka madax bannaan walaac badan oo dhanka dhaawacyada ah, waxaana kaliya safkiisa ka maqnaan doona kaliya hal xiddig waana Denis Cheryshev.

Balse dhinaca kale, dhiggiisa Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la tacaalaya xaaladda dhaawacyada ee qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan safkiisa kulanka caawa, waxaana ka maqnaan doona Toni Kroos, Marcelo, Ferland Mendy, Dani Ceballos iyo Gareth Bale kuwaasoo dhammaantood aanan taam u ahayn kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Valencia ayaa laga dhaliyay ugu yaraan hal gool 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Real Madrid ku wajahday La Liga waana rikoorkii ugu dheeree ee ay shabaqo difaacasho la’aan kulammada ay horyaalka ku wajahdo Los Blancos tan iyo 1995 markaas oo ay la kulantay 19 kulan oo xiriir ah oo aysan shabaqeeda ka difaacan dhiggeeda.

Real Madrid ayaa kaliya hal guul kaga soo gaartay Valenica garoonka Mestalla toddobadii booqasho ee ugu dambeysay, labo barbarro iyo afar guuldarro ayayna kala soo kulantay.

Real Madrid ayaa kaliya hal guul ka gaartay kooxaha ka dhisan Valencia sagaalkii ciyaar ee ugu dambeysay La Liga iyadoo 2-0 ku dhufatay Levante bishii October ee 2020, waxayna kala kulantay shan barbarro iyo saddex guuldarro.

Valencia ayaa guuldarro la’aan ah iyadoo ciyaartay afar kulan xilli ciyaareedkan horyaalka Spain kaddib saddex guul iyo hal barbarro, waxaana rikoorkeedii ugu fiicnaa ee dhibco uruursi ee qarnigan kaddib afarta kulan ee ugu horreysa xilli ciyaareedka.

Los Blancos ayaa haatan guuldarro la’aan ah 22 kulan oo horyaalka La Liga ah, waana guuldarro la’aanta ugu dheer ee haatan kooxaha horyaalkaas kaddib markii ay adkaatay 16 kulan, lix kalena barbarro gashay, sidoo kale waa rikoorkeedii ugu wanaagsanaa tan iyo markii ay 28 kulan guuldarro la’aan ahayd intii u dhexeysay March 2016 illaa January 2017 markaas oo ay gaartay 24 guul iyo afar barbarro iyadoo uu macallin u ahaa Zinedine Zidane.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Valenica:

Real Madrid:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close