Chelsea oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Tottenham oo ay booqatay… +SAWIRRO

(London) 19 Sebt 2021. Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Tottenham Hotspur oo ay ku booqatay garoonkeeda, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadka 5-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Tottenham Hotspur iyo Chelsea ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Chelsea ayaa hooggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Thiago Silva waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcos Alonso.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay N’Golo Kante oo caawin ay kaga timid Mateo Kovacic, ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hor kaceysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 90+2 Chelsea ayaa dheereeysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 0-3 ka dhigay Antonio Ruediger, kaddib markii ay caawin kaga timid Timo Werner

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Tottenham Hotspur oo ay ku booqatay garoonkeeda, Blues ayaa haatan fadhisa booska koowaad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League, ilaa iyo haatan kulammadii la ciyaaray xilli ciyaareedkan, waxayna min 13 dhibcood wadaagaan Liverpool oo labaad fadhisa iyo Man United oo kaalinta saddexaad ku jirta.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close