Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo Maamulka kooxdiisa ku wargeliyey in Robert Lewandowski loogu keeno Anfield

(Liverpool) 16 Sebt 2021. Sida wararku ay sheegayaan Macallinka Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu garoonka Anfield dib ugula midoobo weeraryahankiisii hore ee Robert Lewandowski.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya haatan in Macallinka Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp uu bartilmaameedsanayo Weeraryahanka Naadiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski, waxaana uu rabaa inuu noqdo saxiixa ugu muhiimsan xagaaga soo socda.

Klopp waxa uu si fiican u garanayaa tayada Lewandowski, isagoo horay ugu soo tababaray Kooxda Borussia Dortmund, Lewandowski ayaana ku soo barbaaray dhalinta goolasha iyo shabaqa hortiisa tan iyo iskaashigoodii labadan shaqsi.

Tababaraha reer Jarmal ee Jurgen Klopp ayaa sida muuqata u sheegay madaxda kooxdiisa Reds rabitaankiisa ah in Weeraryahanku yimaado garoonka Anfield.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close