Paris Saint-Germain oo iibka Kylian Mbappe ku xirtay xiddig u ciyaara Real Madrid iyo heshiis is dhaafsi ah

(Paris) 16 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay bisha January ka iibineyso Real Madrid xiddiga mustaqbalkiisa laga deyrinayo ee Kylian Mbappe inkastoo ay shardi ku xirtay.

Laacibka weerarka ka ciyaara ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan bilaash kaga tagi kara Paris haddii uusan saxiixin heshiis cusub, waxaana si aad ah loola xiriirinayaa naadiga Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa diyaar u ah inay bisha January iska iibiso xiddigan haddii ay Madrid heshiiska qayb kaga soo dhigto xiddiga garabka ka ciyaara ee Vinicius Jr.

Wargeyska Sport Bible oo warkan qoray ayaa sheegay inay adagtahay in kooxda Isbaanish-ka ah ay ogolaaneyso inay aqbasho shardiga PSG ee ku aaddan in heshiis is dhaafsi ah ay ku qaadato 21-sano jirka reer Brazil.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa weli ku jirta dadaallo ay Mbappe ugu qancinayaan sii joogista Parc des Princess, haddii ay ku hungowdo se, waxay kala dooraneysaa inay bilaash ku lumiso xagaaga dambe ama inay iibiso suuqa bartamaha xilli ciyaareedkan.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close