Chelsea oo sababo suuqa la xiriira u iibineysa Rudiger & Labo naadi oo durba xiiso u muujinaya difaaca Jarmalka

(London) 16 Seb 2021. Naadiga Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay ka fikireyso iibinta difaaceeda Antonio Rudiger kaasoo ku jira waayihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa.

Blues ayaa xiddigan u iibineysa si ay lacagaha iibkiisa ay ka hesho ugu adeegsato lasoo saxiixashada difaaca Sevilla ee Jules Kounde.

Kooxda reer England ayaa isku dayo baxan ku bixisay soo iibsashada 22-sano jirka reer France xagaagan hase ahaatee naadiga ka dhisan Gobolka Andulus ee dalka Spain ayaa iska diidday dalabaadkii ay ka heshay dhiggeeda maalmihii ugu dambeeyay suuqa xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Rudiger ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isagoo xubin muhiim ah ka ah shaxda Macallin Thomas Tuchel, waxaana 28-sano Jarmalka ah uu haatan xiiso ka helayaa naadiyada Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close