Barcelona oo saddex kulan u qabatay shaqada Ronald Koeman

(Barcelona) 16 Sebt 2021Kaddib guuldarradii cusleyd ee kasoo gaartay naadiga Bayern Munich ciyaartii ugu horreysay ee wareegga guruubyada Champions League, waxaa shaki badan la linayaa shaqada macallinnimo ee Ronald Koeman.

Naadiga Barcelona ayaa saddex ciyaar u qabatay macallinkeeda si uu shaqadiisa u ilaalsado, waxaana loo sheegay in la ceyrin doono haddii uu lumiyo mid ka mid ah.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Sport ee kasoo baxa dalka Spain, Blaugrana ayaa Koeman u qabatay kulammada ay la kala ciyaari doonaan Granada, Cadiz iyo Levante ee ka wada tirsan horyaalka La Liga, waxaana wargeyska uu intaas ku daray in madaxweynaha Barca ee Joan Laporta uu raadinayo baddelka macallinka reer Holland.

Si kastaba ha ahaatee, tababarihii hore ee Southampton iyo Everton ayaa 58 kulan maamulay naadiga ku ciyaarta Camp Nou, waxaana uu guul gaaray 36 ciyaarood isagoo barbarro galay 10 ciyaar halka 12 kulanna dhegta dhiigga loo daray.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close