Real Madrid, Man City, Liverpool oo guulo gaaray, xilli PSG lagu dhagay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray tartanka UCL… SAWIRRO

(Yurub) 15 Sebt 2021. Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro ka tirsan kulammada daah furka ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, kal ciyaareedkan 2021/22.

Kooxaha waa weyn ee caawa ciyaaray kulamdada ay kooxaha qaar ku daah furanayaan e marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, waxaa ka mid ah, Real Madrid, Liverpool, Inter, AC Milan, PSG, iyo Manchester City.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay naadiga RB Leipzig, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-3, xilli goolasha ay u kala dhaliyeen xiddigaheeda kala ah, Nathan Ake, Riyad Mahrez, Jack Grealish, Joao Cancelo, Gabriel Jesus, iyo gool uu iska dhaliyay laacibka lagu magacaabo Nordi Mukiele.

Real Madrid ayaa sidoo kale guul dirqi ah kaga soo gaartay kooxda Inter Milan garoonka Giuseppe Meazza, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, waxayna goolka qura kaga mahad celineysaa xiddigeeda reer Brazil ee Rodrygo

Dhankeeda Naadiga ayaa garoonkeeda Anfield guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda AC Milan, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen, Mohamed Salah, Jordan Henderson, iyoo gool uu iska dhaliyay Fikayo Tomori, halka labda gool ee Milan ay u dhaliyeen Ante Rebic iyo Brahim Diaz.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP A

Brugge 1 – 1 Paris Saint-Germain

Manchester City 6 – 3 RB Leipzig

GROUP B

Atletico Madrid 0 – 0 FC Porto

Liverpool 3 – 2 AC Milan

GROUP C

Besiktas 1 – 2 Borussia Dortmund

Sporting CP 1 – 5 Ajax

GROUP D

FC Sheriff 2 – 0 Shakhtar Donetsk

Inter 0 – 1 Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close