Miyey Kooxda Arsenal ka quusatay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar?

(London) 15 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa las oo warinayaa inaysan weli ka quusan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Arsenal kama quusan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Lyon ee Houssem Aouar, sida laga soo xigtay Todofichajes.

Gunners ayaa qorsheynaysa inay dib u soo ceshato xiisihii ay u qabtay saxiixa 23-sano jirkaan xagaaga soo aaddan, laakiin waxaa laga yaabaa inay ku dhibtooto inay dhammeystirto heshiiska haddii ay ku guuldareystaan inay u soo baxaan tartanka Champions League.

Houssem Aouar ayaa ka soo muuqday dhammaan shantii kulan ee Kooxda Lyon ay ciyaartay horyaalka Ligue 1 bilowga kal ciyaareedka cusub, isagoo sameeyey labo caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close