Liverpool vs Milan, Inter vs Madrid, Atletico, PSG, Man City iyo guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka UEFA Champions League & Saacadaha la daawan doono

(Yurub) 15 Sebt 2021. Tartanka Champions League ayaa caawa la ciyaari doonaa habeenkii labaad ee toddobaadka koowaad ee wareegga guruubyada xilli ciyaareedkan 2021/22.

Kulanka ay Liverpool soo dhoweyneyso AC Milan ayaa xiiso gaar ah loo hayaa maadaama ay labadan naadi hore u sameeyeen taariikho waaweyn oo tartanka horyaallada Yurub, waxaase ka dhicin kulanka u dhexeeya Inter Milan iyo Real Madrid.

Manchester City ayaa dhinaca kale ciyaar aanan dab yar shideyn la leh naadiga Jarmalka ah ee RB Leipzig halka Paris Saint-Germain ay u safreyso Club Brugge iyadoo indhaha caalamka ay hayaan saxiixa cusub ee Lionel Messi kaasoo markiisii ugu horreysay u ciyaari doona PSG tartanka Champions League.

Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka Champions League caawa:-

GROUP A

10:00 Habeennimo: Club Brugge vs Paris Saint-Germain

10:00 Habeennimo: Manchester City vs RB Leipzig

GROUP B

10:00 Habeennimo: Atletico Madrid vs FC Porto

10:00 Habeennimo: Liverpool vs AC Milan

GROUP C

07:45 Habeennimo: Besiktas vs Borussia Dortmund

10:00 Habeennimo: Sporting CP vs Ajax

GROUP D

07:45 Habeennimo: FC Sheriff vs Shakhtar Donetsk

10:00 Habeennimo: Inter Milan vs Real Madrid

FG: dhammaan saacadaha ku xusan kulammada tartanka Champions League ee caawa waa xilliga Geeska Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close