Juventus oo indhaha ku haysa saxiixa xiddig ka tirsan Kooxda Manchester City, xilli ay tartan kala kulmayso Bayern Munich

(Turin) 15 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso saxiixa Weeraryah ka tirsan Naadiga Manchester City, inkastoo ay tartan ku aaddan saxiixa laacibkan kala kulmayaan Kooxda Bayern Munich.

Warsidaha reer Talyaani ee Calcio Mercato ayaa warinaya in Kooxda Juventus ay indhaha ku hayso saxiixa Weeraryahanka Naadiga Manchester City ee Gabriel Jesus, kaasoo ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan.

Bianconeri ayaa doonaysa inay keensato xiddiga reer Brazil si ay u xoojiso safkeeda Weerarka, laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan kala kulanto Kooxda Bayern Munich oo iyana dhankeeda ka doonayso Weeraryahankan.

Gabriel Jesus ayaa loo diiwaan geliyey hal gool iyo saddex caawin afartii kulan ee ugu horreeyey oo ay Man City horyaalka Premier League ciyaartay illaa iyo haatan kal ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close