Cristiano Ronaldo oo gool ka dhaliyay tartanka Champions League 16 xilli ciyaareed oo isku xiga

(Bern) 15 Sebt 2021. Cristiano Ronaldo ayay ku qaadatay kaliya 13 daqiiqo inuu gool dhaliyo kulankiisii ugu horreeyay ee Champions League fasal ciyaareedkan 2021/22, iyadoo Weeraryahanka reer Portugal uu dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee heerka Guruubyada kulankii ay Manchester United xalay wajahday Kooxda Young Boys.

Ronaldo ayaa ka faa’iideystay karoos caawin ah oo uu ka helay xiddiga ay isku dhalashada yihiin ee Bruno Fernandes, waxaana uu CR7 ku guuleystay inuu kubadda dhaafiyo shabaqa uu ilaalada ka hayey goolhaye David von Ballmoos.

Waa xilli ciyaareedkii 16 -aad oo xiriir ah oo uu xiddiga xulka qaranka Portugal ugu yaraan hal gool ka dhaliyo tartanka Champions League, maadaama uu shabaqa soo taabtay kal ciyaareed kasta tan iyo xilli ciyaareedkii 2006/07.

Weeraryahankii hore ee Kooxda Real Madrid ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii ugu horreeyey ee uu u saftay Manchester United dib u soo laabashadiisa Sabtidii la soo dhaafay, markaasoo ay 4-1 kaga adkaadeen Naadiga Newcastle United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close