Paul Pogba oo baddelay maankiisa isla markaana raba inuu sii joogo Man United & Sababta ka dambeysa oo la baahiyay

(Manchester) 14 Sebt 2021. Mustaqbalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba ayaa shaki weyn la gelinayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan iyadoo ay xusid mudan tahay inuu xor noqon doono xagaaga soo aaddan tii oo ay jirto inuu fasax u yahay inuu la xaajoon karo kooxaha xiiseynaya ee ka dhisan meel ka baxsan Ingriiska.

Hase ahaatee, akhbaar taas ka duwan ayaa dhowaan soo if baxday, waxaana lagu soo warramayaa inuu Pogba doonayo sii joogista Old Trafford kaddib markii ay kooxda heshay dhiig cusub, tamar soo laabatay iyo hammi guuleed oo uu saldhig u yahay imaanshaha Cristiano Ronaldo.

Wargeyska The Athletic ayaa baahiyay inuu Pogba la dhacay qaab dukaameysiga Red Devils iyo inuu naadiga kusoo biiray Ronaldo sidaas darteedna uu doonayo inuu qandaraas cusub la galo Man United si uu baaqi ugu sii ahaado garoonka Masraxa Riyada.

Paul Pogba is changing his role at Manchester United to cater for Cristiano  Ronaldo - Manchester Evening News

Si kastaba ha ahaatee, kubbad qaabeeyaha reer France ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilawday xilli ciyaareedkan isagoo sameeyay toddobo caawin afartii kulan ee uu ka ciyaaray Premier League fasalkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close