Kooxda Barcelona oo weli joogtaynaysa xiisaha ay u qabto saxiixa daafac ka tirsan Manchester City

(Barcelona) 14 Sebt 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa weli joogtaynaysa xiisaha ay u hayso saxiixa daafaca Manchester City ee Aymeric Laporte.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in Kooxda Barcelona ay weli xiiso u hayso saxiixa daafaca Naadiga reer England ee Manchester City, Aymeric Laporte.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa suuqii xagaaga la warinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka Camp Nou, laakiin waxa uu dib ugu soo laabtay xulashada Tababare Pep Guardiola billowga xilli ciyaareedkan cusub.

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Barcelona weli ma daynin xiisaha ay u qabto daafacan Aymeric Laporte, waxaana ay doonayaan inay geeyaan garoonka Camp Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close