Bernd Leno oo qarka u saaran inuu ka tago Kooxda Arsenal markii uu waayey booskiisa koowaad ee Gunners

(London) 14 Sebt 2021. Goolhaye Bernd Leno ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu isaga tago Kooxdiisa Arsenal kaddib markii uu booska koowaad ka waayey Gunners.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Bernd Leno uu qarka u saaran yahay inuu isaga tago Arsenal, maadaama Aaron Ramsdale uu qarka u saaran yahay inuu noqdo goolhayaha dooqa koowaad ee Gunners.

Shabaq ilaaliyaha xulka qaranka Jarmalka ayaa booskiisa ku waayay Goolhayaha cusub ee England, kaasoo dhawaan saftay kulankii dhowaa ee Norwich, markaasoo Macallin Mikel Arteta kooxdiisu ay qaadatay guushii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan cusub.

Bernd Leno waxa uu dareensan yahay in laga doorbiday Ramsdale, waxaana uu doonayaa inuu raadsado koox cusub oo uu ka helayo booska joogtada ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close