Bayern Munich, Chelsea, Juventus oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa lagu daah furay Champions League… SAWIRRO

(Barcelona) 14 Sebt 2021. Bayern Munich ayaa guul ka soo heshay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga oo adkaatay 0-3, ciyaartooda koowaad guruubka E ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Bayern Munich.

Daqiiqadii 34-aad Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Thomas Mueller, waxaana caawinta goolkan lahaa Leroy Sane.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

56 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaan 0-2 ka dhigay weeraryahankooda Robert Lewandowski.

Daqiiqadii 85-aad Robert Lewandowski ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Bayern Munich wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Bayern Munich, kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, ciyaartooda koowaad guruubka E ee tartanka Champions League.

Dhianca kale kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka gaartay guul dirqi ah kooxda Zenit St. Petersburg, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, waxaana goolka qura ay ku adkaatay u dhaliyay weeraryahankooda Romelu Lukaku oo caawin ka helay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta.

Hadaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa lagu daah furay marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League,:-

GROUP E

Barcelona 0 – 3 Bayern Munich

Dynamo Kyiv 0 – 0 Benfica

GROUP F

Young Boys 2 – 1 Manchester United

Villarreal 2 – 2 Atalanta

GROUP G

Sevilla 1 – 1 FC Salzburg

Lille 0 – 0 Wolfsburg

GROUP H

Chelsea 1 – 0 Zenit St. Petersburg

Malmoe FF 0 – 3 Juventus

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close