Ma dhab baa inay Real Madrid dhageysaneyso dalabaadka u imaanaya Eden Hazard?

(Madrid) 13 Sebt  2021. Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya inay naadiga kubadda cagta Real Madrid billaabeyso dhageysiga dalabaadka u imaanaya xiddigeeda Eden Hazard marka uu furmo suuqa January ee bilawga 2022 iyadoo wararku ay sheegayaan inay kooxda reer Spain boos u firaaqeyneyso Kylian Mbappe oo ay doonistiisa ku laaban doonto.

Los Blancos ayaa ku guuldarreysatay inay Paris Saint-Germain ku qanciso kasoo iibsashada Mbappe waxaana xusid mudan inay qorsheynayaan dib u doonistiisa suuqa January ama midka xagaaga dambe markaas oo uu xor noqon doono.

Wargeyska Todofichajes ayaa sheegay inay Real Madrid ku fikireyso iibinta Hazard maadaama uu kasoo dhalaali waayay Bernabeu tan iyo markii lacagaha qaaliga ah kaga soo dhaqaaqay naadiga Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Kabtanka xulka qaranka Belgium kula jiro naadiga ugu guulaha horyaalka Spain ayaa dhici doona saddex sano kaddib, hase ahaatee, qaab ciyaareedkiisa liita awgeed, Real Madrid ayaa haatan diyaar u ah inay iska iibiso suuqa bartamaha xilli ciyaareedka si ay daaqad ugu banneyso saxiixa Mbappe oo muddo fog bartilmaameed u ah naadiga uu hoggaamiyo Macallin Carlo Ancelotti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close