Tababaraha Bayern Munich ee Julian Nagelsmann oo ka hadlay dhaawacyadii soo gaaray Lewandowski & Gnabry… (Miyey seegi doonaan kulanka Barcelona?)

(Munich) 12 Sebt 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa ka hadlay dhaawacyadii soo gaaray labadiisa xiddig ee Lewandowski iyo Gnabry.

Robert Lewandowski iyo Serge Gnabry ayaa labadaba dhaawacyo looga saaray kulankii dhowaa oo ay Bayern München guusha kaga gaartay RB Leipzig, waxaana uu Julian Nagelsmann ka hadlay kulankaas kaddib dhaawacayada labadaan xiddig.

Bayern München ayaa ka baqdin qabta taam ahaanshaha Robert Lewandowski iyo Serge Gnabry kulankooda ugu horreeya ee Champions League xilli ciyaareedkan oo ay wajahayaan FC Barcelona habeenka Talaadada.

Lewandowski iyo Gnabry ayaa labadaba garoonka laga saaray kulankii ay xalay Bayern Munich 4-1 guul ah ka gaartay RB Leipzig, waxaana kulanka kaddib uu ka hadlay xaaladda dhaawac ee labada laacib Macallin Julian Nagelsmann.

Nagelsmann oo la hadlay Sky ayaa sheegay in ‘Lewy’ uu dhaawac yar soo gaaray, isla markaana qaab taxadar ahaan ah uu kulankii xalay u beddelay.

Dhinaca kale Serge Gnabry ayuu Tababaruhu sheegay in dhaawaciisu u muuqday dhabarka, isla markaana aan la saadaalin karin kulanka Talaadada, balse uu rajaynayo inuu ciyaari doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close