Sidee ayay noqon doontaa SHAXDA Kooxda Barcelona ay kala hortagayso Bayern Munich ee Champions League?

(Barcelona) 12 Sebt 2021. Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa waxaa haysta dhowr dhibaato oo dhanka weerarka ah, si uu uga fikiro kulanka ugu horreeya ee Champions League oo ay wajahayaan Bayern Munich habeenka Talaadada.

Kulankan oo ka dhacaya garoonka Camp Nou ayaysan Kooxda Blaugrana diyaar u ahayn xiddigaheeda kala ah, Ousmane Dembele, Sergio Aguero iyo Ansu Fati oo dhaawacyo qaba, halka Martin Braithwaite shaki weyn laga muujinayo dhaawaca cusub ee ka gaaray Jilibka, waxaana xusid mudan in Antoine Griezmann uu dib ugu laabtay Atletico Madrid.

Haddaba waxaa la sii saadaalinayaa safka suuro-galka ah oo ay Barcelona kala hortagi karto Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich.

Safka hore ee garoonka ugu bilaaban karata Barcelona kulanka Bayern Munich ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono: Ter Stegen; Roberto, Araujo, Pique, Alba; Busquets, F. de Jong, Pedri; Depay, L. de Jong, Coutinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close