Miyuu Sir Alex Ferguson ka qayb qaatay in Cristiano Ronaldo uu kusoo laabto Manchester United?… (Macallinkii hore ee Red Devils oo arrintaas ka jawaabay)

(Manchester) 12 Sebt 2021. Cristiano Ronaldo ayaa xagaagan kusoo laabtay naadiga Manchester United oo uu 12 sano kahor ka dhaqaaqay markaas oo uu ku biiray Real Madrid, waxaana soo laabashadiisa qayb ka qaatay sida warar kala duwan lagu helay ciyaartoydii ay soo wadaageen qolka lebiska ee Old Trafford iyo macallinkiisii hore ee Sir Alex Ferguson.

Ronaldo ayaa lala xiriirayay Manchester City kahor inta aysan Man United u gacan qaadin soo xero gelintiisa, waxaana Sir Alex Ferguson uu sheegay inuu qayb ka qaatay inuu laacibkan kusoo laabto Red Devils halkii uu aadi lahaa garoonka Etihad.

“Dad badan ayaa qaatay doorkooda anna waxaan ka qayb qaatay anigoo og inuu Cristiano doonayo inuu halkan imaado taas ayaana muhiim ahayd weyna shaqeysay” ayuu yiri Fergie oo si maldahan uga hadlay doorkii uu ku lahaa dib usoo celinta Kabtanka Portugal.

Xiddigii hore ee Real Madrid iyo Juventus ayaa labo gool dhaliyay safashadiisii ugu horreysay ee Man United markii uu dib usoo laabtay ciyaar ay 4-1 kaga adkaadeen Newcastle shalay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close