Chelsea oo xalay noqotay Kooxdii labaad ee 600 oo guul gaarta horyaalka Premier League

(London) 12 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa noqotay kooxdii labaad ee 600 oo guul gaarta horyaalka English Premier League, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen naadiga Aston Villa.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa Romelu Lukaku uu labo jeer shabaqa soo taabtay, halka goolka kale uu lahaa Mateo Kovacic.

Chelsea ayaa sidaas loogu diiwaan geliyey guusheedii 600-aad ee horyaalka Premier League kaddib Manchester United oo gaartay 690 guul oo horyaalka Premier League, waana kaliya labada kooxood ee tartankan 600 oo guul ka gaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close