Bruno Fernandes oo wadahadallo heshiis kordhin ah kula jira kooxdiisa Manchester United

(Manchester) 12 Sebt 2021. Sida wararku ay sheegayaan ciyaaryahan Bruno Fernandes ayaa wadahadallo heshiis kordhin ah kula jira Kooxdiisa Manchester United.

Jariiradda O Jogo ayaa warinaysa in Bruno Fernandes uu weli heshiis kordhin ah kula jiro kooxdiisa Manchester United, isagoo doonaya in sare loo qaado mushaharkiisa haatan uu ka qaato garoonka Old Trafford.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa muddo bil ah kala hadlayey Man United in Kooxdu ay mushahar kordhin u sameyso, waxaana warbixinta lagu sheegay in United ay ogolaan doonto, isla markaana uu Bruno arki doono isagoo Old Trafford ka qaadanaya mushahar ku dhow kan haatan uu qaato Paul Pogba.

Bruno Fernandes ayaa haatan bandhig cajiib ah ku qaadanaya Kooxda Manchester United, waxaana uu u dhaliyey afar gool afartii kulan ee uu u saftay horyaalka Premier League illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close