Man United oo guul weyn ku gaartay garoonkeeda Old Trafford, xilli CR7 uu labo jeer shabaqa soo taabtay… + SAWIRRO

(Manchester) 11 Sebt 2021. Manchester United ayaa guul weyn ku gaartay garoonkeeda Old Trafford, xilli Cristiano Ronaldo uu labo jeer shabaqa soo taabtay, ciyaar ku dhammaatay 4-1, oo qeyb ka aheyd kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 45 + 2 kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda dhawaan galka ah ee Cristiano Ronaldo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

56 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Newcastle United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Javier Manquillo, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Allan Saint-Maximin.

Daqiiqadii 62-aad Cristiano Ronaldo oo caawin ka helay saaxiibkiis Luke Shaw ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

80 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Bruno Fernandes oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pogba ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 90+2 daqiiqo Jesse Lingard oo caawin ka helay saaxiibkiis Pogba ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Man United wuxuuna dheesha ka dhigay 4-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Newcastle United oo ay ku soo booqatay garoonka Old Trafford, United ayaa haatan ku 10 dhibcood ku hoggaamineysa dhanka kala sareynta horyaalka Premier League

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close