Man City oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power

(Leicester) 11 Sebt 2021. Manchester City ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Leicester City iyo Manchester City ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad kooxda kubadd cagta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda reer Portugal ee Bernardo Silva.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, City ayaa haatan kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka booska 2-aad, waxayna hal dhibic ka dambeysaa Man United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close