Miyuu qeyb ka noqon doonaa Ronaldo kulanka barri ee Newcastle? Tababare Solskjaer ayaa ka jawaabaya

(Manchester) 10 Sebt 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo kulanka Newcastle United.

Garoonka Old Trafford ayaa martigelin doona kulanka ay bari ee kooxaha Manchester United iyo Newcastle United, kaasoo qeyb ka ah kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Haddaba tababare Ole Gunnar Solskjaer oo shir Jaraa’id ka soo muuqday kahor kulanka ay bari la ciyaari doonaan Newcastle, wuxuu u sheegay warbaahinta:

“Xaqiiqdii Ronaldo wuxuu ku sugnaan doonaa gudaha garoonka, kulanka Newcastle, mar uun, taasi waa hubaal.”

“Wuxuu la ciyaaray xulka qaranka, wuxuu nala qaatay Isbuuc wanaagsan, waxaa naga dhexeeyo ixtiraam labada dhinac ah, laakiin wuu ogyahay inay tahay inaan sameeyo go’aanno, goorta aan adeegsanaayo iyo marka aan adeegsan doonin, shaqadayda waa inaan maareeyo.”

“Waxaan rabaa inaan ka helo Cristiano sida ugu wanaagsan taasina waxay ka timaaddaa isku xirnaanta, dhowr sano ayaan ku wada qaadanay kooxda waana is naqaanaa, uma baahna inaan u sheego waxa uu sameynayo, wuxuu mar horeba lahaa rabitaanka ah inuu noqdo kan ugu fiican.”

“Ryan Giggs wuxuu ciyaarayay ilaa 40 jirka, mana la yaabi doono haddii Cristiano uu ku fariisto isla da’daas, waan ognahay waxa uu ku gaaray xirfadiisa ciyaareed, laakiin wuxuu doonayaa inuu gaaro wax intaas ka badan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close