“Barcelona waa riyada ciyaaryahan walba… tanina waa xaqiiqda codsigayga inaan baxo kaddib bixitaanka Messi” – Agüero

(Barcelona) 10 Sebt 2021. Ciyaaryahanka Barcelona Sergio Aguero ayaa xaqiijiyay inuusan dan ka laheyn dhinacyada dhaqaalaha markii uu ku biirayay naadiga reer Catalonia, wuxuuna muujiyay sida uu ula yaabay warka tilmaamayay inuu codsaday inuu baxo kaddib markii uu Messi baxay.

Lionel Messi ayaa ka tagay kooxda Barcelona oo waayo qurux badan uu ku soo qaatay, wuxuuna loolan cusub ka bilaabay naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.

Haddaba Agüero ayaa ka hadlay warka ku saabsan inuu codsayay inuu baxo kaddib markii uu Messi baxay, wuxuuna yiri:

“Markii aan u saxiixay Barcelona, ​​Messi ma uusan cusbooneysiin qandaraaskiisa, mana fahmin waxa dhacaya.”

Aguero ayaa ku xaqiijiyey, wareysigan uu bixiyay, oo ay soo bandhigtay shabakadda CCMA ee gobolka Catalonina, inuu doortay inuu ku biiro Barcelona qiimo kasta, isaga oo ka doorbiday dalabka Barca dhammaan dalabyadii dhaqaale ahaan fiicnaa ee uu helay.

Sergio Agüero oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku sii daray:

“Ma aanan xiiseynin lacag, waxaan doonayay inaan aado Barcelona, ​​ciyaaryahan walba wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Barcelona.”

Aguero ayaa ka hadlay bixitaanka Lionel Messi, ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan arkay inuu doonayo inuu u cusbooneysiiyo Barcelona, ​​ma aanan dooneynin inaan culeys ku noqdo, mana aanan weydiin maalin walba, laakiin wuxuu ii sheegay in arrimuhu dhammaadeen, kaddibna waxaan la yaabay qof walba wixii dhacay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close