“Waxaan sameynay wixii uu rabay Koeman” – Laporta

(Barcelona) 09 Sebt 2021. Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in maamulka uu sameeyay wixii uu codsaday tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman, isaga oo tilmaamay heshiiska Luuk de Jong.

Barcelona ayaa dhameystirtay heshiiskii Luuk de Jong oo ay kala soo wareegtay kooxda Seville qaam amaah ah, iyada oo heshiiska uu qeyb ka yahay dooq ay si toos ah ugu iibsan karaan.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciyaaryahankeeda cusub ee Luuk de Jong saxaafadda u soo bandhigtay, maanta oo Khamiis ah.

Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa u sheegay saxaafada:

“Waxaan samaynay wixii uu Koeman doonayay, Ronald wuxuu codsaday inaan la saxiixano Luuk de Jong, waana sameynay codsigiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.”

“Luuk de Jong waa ciyaaryahan leh khibrad weyn oo kooxda ka caawin kara inuu goolal badan dhaliyo xilli ciyaareedkan.”

Joan Laporta oo ka hadlayay mustaqbalka Koeman ee kooxda ayaa wuxuu yiri:

“Wuxuu haystaa kalsooni, mar walbana waxaan garab istaagi doonnaa waqtiyada adag.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close