Kooxda PSG oo iska diiday dalab ay Barcelona ka soo gudbisay Neymar Jr xagaagan… (Imise Milyan ayuu ku kacayey?)

(Paris) 09 Sebt 2021.  Kooxda kubadda cagta PSG ayaa la soo warinayaa inay iska diiday dalab ay kooxda Barcelona ka soo gudbisay Neymar Jr, kaasoo ku kacayey 80 Milyan oo euro.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa qirtay dhowaan inay Kooxdu xiiseynaysay inay dib u soo ceshato xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar.

Warsidaha Le10Sport ayaa warinaya in Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay hoos u dhigtay oo ay iska diiday dalab ku kacayey 80 milyan oo euro oo u dhiganta 69 milyan oo gini ama 95 milyan oo dollar, kaasoo ay Barcelona ku doonaysay inay xagaagan dib ugu soo ceshato Neymar Jr.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa daaha ka rogay todobaadkan in kooxdiisu ay xiiseynaysay inay xagaagan u dhaqaaqdo soo xero gelinta Neymar, laakiin wada-xaajoodku uu aakhirkii noqday mid aan guuleysan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close