Kooxda Arsenal oo dib ugu yeeran karta mid ka mid ah xiddigaha amaahda kaga maqan kaddib markii…

(London) 09 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay dib ugu yeeran karto xiddigeeda Miguel Azeez oo amaah kaga maqan Naadiga Portsmouth.

Arsenal ayaa ku dartay ikhtiyaar dib u yeeris ah heshiiskii amaahda ahaa ee Miguel Azeez uu ku aaday Kooxda Portsmouth, sida lagu daabacay Football.london.

Si kastaba ha noqotee, kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London ayaa dib ugu yeeran karta da’yarkeeda sida warbixinta lagu sheegay.

18-sano jirkaan aadka loo qiimeeyo ayaa dib loogu yeeri karaa bisha Janaayo ee sanadka cusub, maadaama Gunners ay la dhibtoonayso maqnaanshaha xiddigo kaga maqan Koobka Qarammada qaaradda Afrika ee African Cup of Nations.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close