Juventus oo qorsheynaysa inay xagaaga soo socda bilaash ku qaadato xiddig ka tirsan Kooxda Barcelona

(Turin) 09 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay qaab bilaash ah ku qaadato mid ka mid ah Weeraryahannada Barcelona.

Juventus ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona ee Ousmane Dembele xagaaga soo socda, sida uu warinayo Warsidaha  Calciomercato.

Dembele oo 24-sano jir ah ayaan weli ogolaanin inuu heshiiska u cusbooneysiiyo naadiga Blaugrana, taasoo ka dhigan inuu noqon doono mid lagu heli karo qaab bilaash ah suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo socda.

Kooxda ka dhisan Magaalada Turin ee dalka Talyaaniga ayaana doonaysa inay ka faa’iideysato fursaddaas oo ay bilaash ku qaadato xagaaga soo aaddan xiddiga dhaawacyadu dilloodeen ee ka tirsan Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close