Xiddig ka tirsan Real Madrid oo iska diiday inuu u dhaqaaqo midkood Kooxaha Tottenham iyo AC Milan

(Madrid) 08 Sebt 2021. Sida wararku ay sheegayaan xiddig ka tirsan Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Labada naadi ee kala kala dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga ee Tottenham iyo AC Milan.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaya in Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Marco Asensio uu hoos u dhigay iskana diiday fursad uu ugu biiri karay Tottenham ama AC Milan xagaagan.

25-sano jirkaan ayaa doortay inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa Kooxda Real Madrid, maadaama uu hiigsanayo inuu ku soo laabto qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay ka hor dhaawac halis ahaa ee soo gaaray labo sano ka hor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close