Real Madrid oo Kooxaha Man United iyo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Youri Tielemans

(Madrid) 08 Sebt 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa Manchester United iyo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Youri Tielemans.

Xiddiga Kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay sanadka 2023-ka.

Jariiradda AS ayaa warinaysa in Kooxda reer Spain ee Real Madrid ay ku soo biirtay kooxda doonaya saxiixa ciyaaryahanka naadiga Leicester City ee Youri Tielemans.

Laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Belgium, Youri Tielemans ayaa la la xiriirinayey Kooxaha Manchester United iyo Barcelona, laakiin Los Blancos ayaa dalab weyn la imaan karta xagaaga soo aaddan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid ay dalab aan la diidi karin u bandhigi doonto Leicester City, isla markaana ay ku garaaci karto Man Utd iyo Barca saxiixa Youri Tielemans.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close