Jadon Sancho oo dib ugu soo laabtay tababarka Manchester United… (Waa kuwee labada laacib ee qura oo haatan dhaawaca uga maqan Kooxda?)

(Manchester) 08 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo dhoweysay Jadon Sancho oo dib ugu soo laabtay tababarka naadiga kaddib markii laga saaray shaxda xulkiisa qaranka England.

21-sano jirkaan ayaa ayaa seegay kulankii xulkiisa saddexda Libaax ay 4-0 guul ah ka gaareen Hungary ka hor inta uusan ka soo tagin xerada tababarka xulka kulankii ay ka adkaadeen Andorra.

Dhaawaca Sancho waqtigaas looma maleyneynin mid halis ah, Man United ayaana wixii markaas ka dambeeyey barteeda Twitter-ka soo dhigtay in Weeraryahankan reer England uu dib ugu soo laabtay xerada tababarka Kooxda ee Carrington.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer England ayaa sidaas darteed u tartamaya inuu wajaho Newcastle United kulanka Sabtida, waxaana ku soo biiray tababarkii shalay uu wax ka qaadanaayey saaxiibkiisa cusub ee Cristiano Ronaldo.

Sancho ayaa kaliya ku soo bilowday mid ka mid ah saddexdii kulan ee Man United ay ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo uu ciyaaray 72 daqiiqo kulankii Wolverhampton Wanderers ee bishii hore.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidoo kale soo dhoweeyay Dean Henderson, Alex Telles iyo Scott McTominay oo ku soo laabtay tababarka si ay u sii xoojiyaan Kooxda todobaadka soo socda, taasoo ka dhigaysa in Marcus Rashford iyo Phil Jones ay yihiin kaliya labada xiddig dhaawaca kaga maqan kooxda Man United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close