Daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo xalay ku dhaawacmay waajibaad xulkiisa qaranka Holland… (Waa sidee xaaladdiisa haatan?)

(Holland) 08 Sebt 2021. Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa dhaawac uu soo gaaray dhammaadkii kulankii xalay uu xulkiisa Holland 6-1 ku garaacay Turkiga.

Virgil van Dijk ayaa dhaawacan uu gaaray kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Halil Dervisoglu, taasoo keentay xitaa in xulka Turkigu ay helaan goolkooda qura oo ay la yimaadeen kulankan.

In muddo ay ayuu Virgil van Dijk dhex yaalay garoonka gudihiisa, iyadoo laga dareemayey inuu dhaawac ka soo gaaray canqowga, taasoo walwal ku abuurtay Jamaahiirta Liverpool ee daawanayey kulankaas.

Waxaa la xusuustaa in laacibkan uu inta badan xilli ciyaareedkii hore dhaawac jilibka ah ku maqnaa, dhaawacan kale ayaana laga yaabaa inuu muddo kale la maqnaado, iyadoo xiddiga kale ee xulka Turkigu ay moodayeen inay Van Dijk iska dhigayo mid dhaawac ah isagoo uusan wax dhaawac ahi soo gaarin si uu waqtiga uga dilo.

Si kastaba ha noqotee, Virgil van Dijk oo warbaahinta la hadlay kulankaas kaddib ayaa waxa uu sheegay sida uusan halista u ahayn dhaawaciisa, waxaana uu yiri: “Waan fiicanahay nasiib-wanaag, horay ayaan u dhaafay, malaha maadaama aan aad u weynahay waxay u malaynayeen inaan jilliin sameynayo iyagu {Ciyaartoyda Turkiga}, maxaa yeelay markii aan dhulka ku dhacay waxay ahayd mid gaabis ah.”

Virgil van Dijk ayaa baaritaan dheeri ah lagu sameyn doonaa kaddib dhaawacaas soo gaaray, waxaana la ogaan doonaa inta uu gaarsiisan yahay iyo kulammada uu seegi doono, inkastoo dhaawacan kasoo gaaray canqowga uusan ahayn mid aad halis u ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close