Gerard Pique oo sheegay in Josep Bartomeu uu ahaa mid ka mid ah Madaxweynayaashii ugu xumaa ee soo mara Kooxda Barcelona

(Barcelona) 07 Sebt 2021. Gerard Pique ayaa qirtay in Josep Bartomeu uu ahaa mid ka mid ah Madaxweynayaashii ugu xumaa ee soo mara sanadihii uu u ciyaarayey Kooxda Barcelona.

Bartomeu ayaa iska casilay xilka Madaxweynenimada Barcelona sanad ka hor kaddib markii xubnaha naadiga ee aan faraxsaneyn ay uruuriyeen saxiixyo ku filan si ay uga laabtaan codka kalsoonida.

“Ma dhihi karo waa kan ugu xun,” Pique ayaa sidaas u sheegay Barnaamijka majaajillada ah ee ‘La Sotana’.

“Laga bilaabo intii aan halkaa ku noolaa, waa inuu halkaas joogay, dhammaanteen waxaan nahay dambiileyaal, laakiin waa run in kooxdu aysan aadin halka reer Catalan oo dhan ay rabaan.

“Hadda waxaan ku rajo weynahay oo ku faraxsanahay, shanta ama tobanka sano ee soo aaddan inay aad u fiicnaan doonto Barcelona”.

Pique ayaa sii waday inuu garab istaago Tababare Ronald Koeman kaddib go’aankii Joan Laporta ee ahaa inuu Tababaraha Kooxda Barcelona u doorto Macallinka reer Holland.

“Joan Laporta wuxuu u baahday waqti dheeri ah oo uu ku fikiro, wuxuuna ku dhammeeyay doorashada Koeman,” ayuu yiri Pique oo hadalkiisa intaa ku daray: “Haatan waa tababaraha ugu fiican.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close