Imaatinka Eduardo Camavinga oo nolosha ku adkeynaya saddex ka mid ah xiddigaha Kooxda Real Madrid… (Waa kuwee?)

(Madrid) 06 Sebt 2021. Ku soo biirista Real Madrid ee Eduardo Camavinga ayaa la soo sheegayaa inay nolosha ku adkeynayso saddex xiddig oo ka mid ah Kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Saxiixa Eduardo Camavinga ee Real Madrid waxa uusan war wanaagsan u ahayn saddex ka mid ah xiddigaha Kooxda oo magacooda bannaanka la soo dhigay.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in saddexdaasi xiddig ay kala yihiin Fede Valverde, Isco iyo Dani Ceballos, isla markaana ay qiimeyntoodii hore hoos uga dhici doonaan kaddib imaatinka Camavinga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close