Xulalka Brazil iyo Argentina oo markii ugu horreysay caawa isaga hor imaan doona kulan aysan ku lug lahayn Kooxda Barcelona

(Sao Paulo) 05 Sebt 2021. Xulalka Brazil iyo Argentina ayaa caawa isaga hor imaan doona markii ugu horreysay kulan aysan ku lug yeelan doonin Kooxda kubadda cagta Barcelona.

Kulankan oo ka dhacaya Magaalada Sao Paulo, kaasoo ay isku qaban doonaan xulalka Brazil iyo Argentina ayuusan ku jirin doonin labada dhinacba shaqsi ka tirsan Kooxda Barcelona.

Kulankan oo qeyb ka ah isreeb-reebka Koobka Adduunka ayaa waxaa si gaar ah indhaha loogu hayn doonaa Lionel Messi iyo Neymar Jr oo iska hor imaanaya, kuwaasoo haatan ka wada tirsan PSG inkastoo ay ka soo wada ciyaareen Barcelona.

Wadar ahaan labada xulba kuma jiri doono hal cyiaaryahan oo looga yeeray Kooxda Barcelona oo ka soo muuqan doona garoonka, safka hore, xiddigaha keydka iyo weliba shaqaalaha kale ee labada dhinac.

Waxaa xusan mudan in Kooxda Barcelona ay taariikh weyn ku lahayd qaaradda Koonfurta Ameerika, waxaana u soo ciyaaray xiddigo waa weyn sida, Diego Maradona, Romario, Ronaldo, Rivaldo, Juan Roman Riquelme, Ronaldinho, illaa Neymar iyo Lionel Messi.

Xiddigaha inta ugu badan ka soo muuqdan labadaan xul ee Kooxda Barcelona xirnaa waxaa ay kala yihiin Lionel Messi iyo Neymar, laakiin tan iyo sanadkii 2005 waxaa si joogto ah uga soo muuqanayey Messi oo dalkiisa iyo Barca labadaba xubin muhiim ah u ahaa.

Yeelkeede, Neymar iyo Messi waxa ay ku midoobeen Kooxda PSG, waxaana markaan iyagoo aan wakiil ka ahayn kooxda Barcelona ay caawa ka soo muuqan doonaan kulanka u dhexeeya xulalka Brazil iyo Argentina.

Isreeb-reebka ay Waddamada Latin America ugu jiraan Koobka Adduunka, waxaa hoggaanka u haya xulka Brazil oo todobo kulan oo ay dheeshay ka heshay 21-dhibcood, halka xulka Argentina oo haysta 15 dhibcood uu ku jiro kaalinta labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close